Sound Transit light rail station

Federal Way Link Extension

Qaabee isku xidhka istaankaaga tareenka mustaqbalka!

Magaaladaada. Tareenkaaka. Bulshadaada. Naga caawi inaanu qaadno talaabada xigta ee mashruuca Balaadhinta Iskuxidhka Waddada Federal Way adigoo ka qeyb qaadanaaya daraasad 10 daqiiqo ah.

 

La wadaag fikirkaaga

Codkaaga hala maqlo.

Sanadkii 2017-kii waxaanu ku dhawaaqnay wado balaadhin ah oo tareenka fudud ee koonfurta Angle Lake ee SeaTac ilaa Xarunta Isku Xidhka Wadada Federal Way. Iyada oo dhismaha la bilaabi doono 2019, ayaanu hadda waxaanu raadineynaa fikradahaagga meelaha istaanada/maxadadaha. Taasi waa halkaad kasoo galayso. Rayigaaguna wuxuu naga caawin doona qaabaynta mustaqbalka mashruucan.

chatting riders

Maxaa kuu muhiim ah adiga?

Sound Transit waxaa ka go’an inay dhisaan istaan ka turjumaya hadafka iyo fikirka bulshada. Si aan taas u gaadhno, waxaanu doonaynaa inaad fikirkaaga nala wadaagto. Fikirkaagu waxa uu ka qayb qaadanaa qaabaynta iyo dareenka sadex istaan oo cusub: Kent/Des Moines, South 272nd iyo Xarunta Ay ku Kulmaan Federal Way

Noo sheeg waxaad u malaynayso. Waanu ku dhagaysanaynaa!

exiting light rail

Sideed uga
faa’idaysanaysaa?

mobility

Dhaqdhaqaaqa

Istaanka la balaadhiyay waxa uu wanaajinayaa tagida shaqada, dugsiga iyo hawlaha.

livability

Nolol ahaaneed

Dib usoo nooleynta dhismayaasha/kaabayaasha bulshada.

Koriin

Maalgalinta bulshadaada ee meesha aad degan tahay, meesha aad ka shaqayso iyo aad meesha aad ku ciyaarto.

 

La wadaag fikirkaaga

reviewing light rail plan map

Kulan balan la’aan ah shakhsi ahaan kaalay.

Fadlan kusoo biir shaqaalaha Sound Transit ee kulanada cidkasta u furan dayrtan soo socota ay qabanayaan si aad ula socoto warkii ugu danbeeyay ee mashruuca, aad su’aalo uga waydiin karto oo aad fikirkaaga ka dhiiban karto istaanka tareenka fudud ee mustaqbalka.

Taariikhda: Arbacada Luuliyo 13, 2017
Goobta: Federal Way Community Center,
876 S. 333rd St., Federal Way, WA 98003
Saacada: 4 galabnimo – 7 fiidnimo

Taariikhda: Sabtida Sebteembar 16, 2017
Goobta: Highline College Building 2,
2400 S. 240th St., Des Moines, WA 98198
Saacada: 10 subaxnimo – 1 duhurnimo

Eeg maabka mashruuca